Monday, September 6, 2010
BAHWEYNTA SPORTIGA EE MAGAALADA OHIO

Waxay bahwaynta sportiga ee magalada Columbus Ohio, meeshaan uga diraysaa mahad celin Macalin Nuur Itob.

 

macalinka oo asa aasay horyaalka  Xagaaga ah ee sanadlaha ah . Taas oo ku reebtay xasuus maguurta ah bahweenta sportiga. waxaan kaa codsaney naa (macalin nuur itop) in aad nagala soo qaybgashid furitaanka sand guuradii 10nd aadna xariga noo furtid.



Tartankan oo ka furmidoona  magaalada columbus ohio( Friday April 2 soconayana ilaa Sunday April 4), kuna soo gabagaboobi doona 3 maalmood gudahooda. iskagana horimaan doonaad (12 kooxood) oo ka kala imaanaya waqooyiga ameerika  geesihiisa iyo wadanka england (Great Birmingham uk). waxaa sidoo kale tartankan ka soo qaybgali doona ciyaartooydii hore ee cuslaatay ciyaartoydan oo qaarkood soo maray  ciyaarihii wadankeena heerka koowaad amaba xulka qaranka somaliyeed kuwaas oo ka kala imaanaya aduunka dacaladiisa oo dhan kuna tartami doona koob u yaala ciyaartoydii cuslaatay. waxaa kaloo sanadkan sidoo kale noo balanqaaday in ay na soo booqandoonaan  tababarayaal (ah heerka 2 ee ciyaaraha kubada cagta iyo kuwa jaamacada ee america).waxay na noo balanqaadeen in ay wax la qabtaan dhamaan ciyaaryahanada somaliyeed iyo macalimiinta  soomaliyeed ee ku nool waqooyiga america. waxaa kale oo tartankan ka soo qaybgali doona dhalinyaro, hooyooying waxgarad wadaado iyo ciyaartoydii hore ee kubada kolayga oo iyagana ka kala imaanaya meelo badan


Tartankan ayaa ku bilaabmay kadib markii ay dooneen dhalinyarada ku kala firdhisan waqooyiga amerika meel ay iskugu yimaadaan iskuna arkaan, ayaa wada hadal dheeraad ah ka dib waxaa shafka saartay koobkan hirgalintiisa iyo qabanqaabadiisa magaalada columbus ohio oo uu horkacayo macalin nuur itob. waxaana  lagu bilaabay 3 kooxood oo kala ah toronto,columbus stars iyo atlanta  koobkan wuxuu  soo maray arimo badan oo kala duwan, sanadba sanadna sanadkiisa  ka danbeeyana waa  ka sii xiiso badnaanayaa. tartankan  oo noqday meel mushtamaca soomaliyeed ay is ku  balansadaan xitaa kuwa aan xiisaynin sporiga oo ay noqotay meel ay iskugu yimaadaan bahda somaliyeed oo dhan.

Sanadkaan waa sanad guuradii  tobnaad oo uu koobkan dhaco.  waxaan u mahad celi naynaa dhamaan dadkii koobkaan wax ka soo qabanqaabiyay meelwalba oo dunida dacalkeeda ay ka joogaanba oo ugu horeeyo maclin Nuur Itob, Dr Ahmed Wali, Hassan Ebow, Mahad Awale (3Pointe),iyo Deeq Hallane. dadkan oon dhihi karno in ay yihiin dadkii tartankan dhidibada u taagay gaarsiiyayna heerka uu maanta joogo waxaana leenay kuligiin waad ku mahadsantihiim wixii aad magaaladan u qabateen iyo qaasatan koobkan. waxaa kale oon u mahad celinaynaa dhamaan dadkii ka qaygalay tartankan 10 sano oo lasoo dhaafo  uguna horeeyo Caydiid Jenyo iyo bahda sportiga ee magaalada Atlanta, waxaa kaloo mahad halkan uga diraynaa bahwaynta sportiga ee magaalada Toronto, iyo bahda sportiga ee magalada Washington dc, bahda sportiga Minneapolis MN waxaan kale oo halka ayadana uga mahad celinaynaa dhamaan dadkii somaliyeed ee hirgaliyay in uu tartankan qabsamo meelwalba ooy joogaanba gaar ahaan bazuri iyo xiddigaha.ca thanks all and god bless you

waxaan u mahad celinaynaa dhamaan gudiyadii soo qaban qaabiyay koobkan

nuur itob
hasan owle
mahad guray
ahmed wali
mahad 3 point
african
abdirizaq mayor
jama karacin
dhego dheere
deeq halane
bashir gelle
abdishukri
delpiero
Fuaad

waxaan mahad gaara halka uga celinaynaa ciyaartooydii hore ee magaalada columbus ohio


cabdi fatax qaldaan
aadan gaab
cabdikarim delpiero
cisman guray
guduudow
qaylo
ali yare
mow yare
yussuf yare
said eed
jama karacin
cisman tako
liibaan idaajaa
mahad dhagacade  
ali ordaaye
xareeye
abdishikri
bashir gelle


GUUL WAARTA DHAMAANTIIN